Jurgen Klopp Oo Kashifay Waxa Ay Kooxdiisu U Baahantahay Si Ay U Reebto Real Madrid.

Tabaaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay kulanka ay Kooxdiisu marti galin doonto kooxdaa Real Madrid kula ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 8 dhamaadka champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo u baahan in ay soo laabasho leh sameeyaan hadii ay doonayaan in ay iska xaadiriyaan wareega xiga ee tartanka champions League.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa ay tahay in aan samayno ayaa ah in aan u ciyaarno sideena ugu fiican, waliba aan soo bandhigno qaab ciyaareekeena ugu fiican, waliba aan wax goolal ah nalaga dhalin sidoo kale aan ka faa’iidaysano fursa walba oo aan samayno”.

“In aan shabaqeena ilaashano waa mid muhiim ah, Real Madrid waxa ay garaaday Barcelona sidaas darteed waxa ay ku jiraan wakhti fiican”.

Kooxda Liverpool ayaa u baahan in ay gaadho guul 2/0 ah hadii ay doonayaan in ay iska xaadiriyaan wareega xiga ee tartanka champions League.

Sii Akhriso: 22 Su’aal Oo Keeni Karta In Ay Is Jeclaadaan Laba Qof Oo Aan Aqoon Hore Isku Lahayn, Wax Ka Baro Su’aalahaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*