Jurgen Klopp Oo Kashifay Wakhtiga Uu Ibrahima Konate

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday wakhtiga uu xiddiga Ibrahima Konate kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda Liverpool kadib markii uu xagaagan ku soo biiray kooxda.

Xiddiga reer France ee Ibrahima Konate ayaa Liverpool kaga soo biiray Leipzig Klopp ayaana doonaya inuu kaga faa’iideysto daafaca kadib markii ay dhanka daafaca ku dhibaatoodeen xilli ciyaareedkii hore.

Klopp ayaa u sheegay Website-ka “Konate wuxuu helay nasasho fiican, wuxuu ciyaari karaa Salaasada, waxaa muhiim ah inuu daqiiqado helo, sababtoo ah waxa ay kulamadan u diyaarinayaan xilli ciyaareedka cusub”.

“Dadka qaar ayaa yidhaahda in aan la qaab ciyaareed nahay Leipzig, taasi waa run laakiin waxa jira kala duwanaansho, waxana aan isku dayaynaa in aan ka shaqayno arimahaas laakiin ma ahan mid fudud sababta oo ah waxa uu kaliya nala joogay 6 maalin”.

Kooxda Liverpool ayaa wajaheysa Stuttgart kulan saaxiibtinimo oo ka qayb ah kulamada isku diayarinta xilli ciyaareedka cusub

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*