Jurgen Klopp Oo Kashifay Sababta Uu Jordan Henderson Ku Seegay Kulanka Burnley.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay sababta uu kabtankiisa Jordan Henderson ku seegay kulanka Burnley ee horyaaka premier Leage.

Tababare Jurgen Klopp ayaa soo saaray shaxda uu kaga hor tagi doono Burnley waxana gabi ahaan shaxda ka maqan kabtankiisa Jordan Henderson kaas oo seegay kulanka.

Tababare Klopp ayaa xaqiijiyay in uu Jordan Henderson ku seegay kulanka dhaawac yar oo ka soo gaadhay tababarkii ugu dambeeyay ee kooxdiisa.

Ka hor kulanka ayaa la waydiiyay sababta uu Henderson ku seegay kulanka waxana uu yidhi”Waxa soo gaadhay dhaawac, ma ahan mid halis ah laakiin waxa uu diyaar u noqon waayay kulanka”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*