Jürgen Klopp Oo Kashifay Kulanka Uu Virgil Van Dijk Ciyaari Doono

Jürgen Klopp ayaa xaqiijiyay Virgil van Dijk inuu ka soo laaban karo dhaawac muddo dheer uu ka maqnaa kulankii saaxiibtinimo ee khamiistii ay kooxda Hertha BSC ku dhex mari doona Innsbruck.

Daafaca, oo aan ciyaarin tan iyo markii uu maray qalliinka jilibka bishii October ee la soo dhaafay, ayaa laga yaabaa inuu ciyaaro kulanka ay Liverpool la ciyaari doonto kooxda Bundesliga ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka.

Isaga oo la hadlaya Liverpoolfc.com Klopp ayaa yidhi: Waan rajaynayaa, laakiin ma hubo, waxa jirta fursad uu ku ciyaari karo daqiiqadihii ugu horeeyay”.

“Waxa uu u muuqdaa mid fiican marka uu tababarka ku jiro, waxana laga yaabaa in aan ciyaarsiin karno laakiin waxa aan u baahanay warbixin kama dabays ah laakiin waxa uu u muuqdaa mid fiican”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ma ahan Qurux, Lacag, Labadan Arin Ku Dooro Gabadha Riyadaada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*