Jurgen Klopp Oo Kashifay Hal Arin Oo Sabab U Ahayd Ka Hadhistii Kooxdiisa Ee Champions League.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay fikirkiisa ku aadan ka hadhistii kooxdiisa ee champions league xilli ciyaareedkan kadib markii ay la ciyaareen real Madrid.

Kulankii ka dhacay Anfield ayaa ku dhamaaday bar-baro 0/0 ah iyada oo Real Madrid u gudubtay wareega xiga kadib guushii 3/1 ahayd ee kulankii lugtii hore ee tartanka.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Mar walba waxa aad u baahantahay nasiib xaaladaha muhiimka ah sidaas darteed maanu guuldaraysan kulankii Anfield laakiin waxa aan guuldaraysanay kulankii Madrid”.

Kooxda Liverpool ayaa kulankii Anfield heshay fursado ay ku dhalin karto goolal laakiin wiilasha Klopp ayaa ku fashilmay in ay ka faa’iidaystaan goolal-na ka dhaliyaan kulanka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Raggu Iska Ilaaliyaan Waliba Ayna U Soo Istaagin, Ayay Kala Yihiin?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*