Jurgen Klopp Oo Ka Yaabay Qaab Ciyaareedka Xiddig Kooxdiisa Ah Kulankii Atalanta.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa amaanay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxdiisa ee Rhys Williams kadib qaab ciyaareedkii kulankii Atalanta ee champions League.

Kooxda Liverpool ayaa guul 5/0 ah ka gaadhay kooxda Atalanta kulan ka tirsanaa tartanka champions League wareega Group-yada.

Xiddiga 19 jirka ah ee Rhys Williams ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay isaga oo ilaashaday shabaqiisa.

Klopp oo la hadlaya This Is Anfeild ayaa yidhi”Ilaa haatan ma garan karo sida uu xiddig 19 jir ah waliba kaliya kulankiisii 2-aad ciyaaray u joojiyay xiddiga Duván Zapata waliba uu dhamaysto kulan Atalanta oo kale ah”.

“Waa arin aan la rumaysan karin, waxa ana ahaa mid wal-walsan ka hor kulanka sidoo kale Allison ayaa wal-walsanaa”.

“Waan u faraxsanahay isaga dartiis waxa ay ahayd in la siiyo wax uu ku farxo kadib markii uu qolka labiska galay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*