Jurgen Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalada Virgil Van Dijk.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in uuna wax fiican ahayn dhaawacii soo gaadhay daafaca Virgil Van Dijk kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii Everton.

Daafaca Virgil Van Dijk ayaa dhaawacmay kadib markii ay isku dheceen Goolhayaha Liverpool ee Jordan Pickford.

Daafaca dhexe ayaa isku dayay in uu sii ciyaaro kulanka laakiin waxa uu awood u waayay in uu sii wato kadib markii uu dhaawacmay.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Ma ahan wax fiican, Virgil inta badan wuu ku ciyaaraa xanuunka laakiin markan wuu awooday, taasina ma ahan wax fiican”.

“Jordan Pickford ayaa gabi ahaan laaday, waxa aan doonayaa in aan dib u daawado si aan u xaqiijiyo”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Macalin U Dhashay Dalka France Oo Qoorta Laga Jaray Kadib Markii Uu Af-Lagaadeeyay Nabi Muhammad “Naxariis Iyo Nabad galyo Korkiisa Ha Ahaatee”.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*