Jurgen Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Trent Alexander-Arnold Ka Hor Kulanka Man City.

Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in Trent Alexander-Arnold uu seegay kulankii Champions League ee Liverpool ay la ciyaartay Porto ka dib markii uu dhaawac gumaarka ah soo gaaray wuxuuna qiray inuu sidoo kale shaki weyn ku jiro kulanka axada ee Manchester City.

Daafaca midig ee England ayaa seegay guushii Premier League ee Liverpool ay ka gaartay Crystal Palace laba isbuuc ka hor, laakiin wuxuu ku soo laabtay shaxda kulankii ay Liverpool bar-baraha 3/3 ah la gashay Brentford Sabtidii.

Inkasta oo uu qayb ka ahaa tababarkii furnaa ee Isniintii hadan Alexander-Arnold ma uusan la safrin kooxda inteeda kale ka hor kulankii Fc Porto iyada oo aan la ogayn sababta.

Laakiin kadib ciyaartii Porto, Klopp ayaa qirtay in dhaawaca 22 jirku ka xun yahay sidii markii hore laga cabsi qabay.

“Nasiib daro, Trent waxa uu galay tababarkii hore, markii hore dhaawaca uma muuqan mid halis ah laakiin ugu dambayn wuu seegay kulanka Porto, uma muuqato mid fiican kulanka Man City ee Axada”ayuu sii raaciyay.

“Waa dhaawac dhanka muruqa ah, waxa aan u malaynay in uu ahaa daal kulanka ah laakiin haatan waa dhaawac dhab ah, waana in aan maarayno”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Gabadheey!! Ma Doonaysaa In Aad Ogaatid In Uu Ninku Yahay Mid Kugu Haboon Adiga, Ma Doonaysaa In Aad Ku Ogaatid Shakhsiyadiisa Kulanka Ugu Horeeya, 3-dan Su’aal Ayaa Kaaga Filan.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*