Jurgen Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Matip, Thiago & Keita Ka Hor Kulanka Champions League.

Tababaraha Kooxda liverpool ee Jurgen Klopp ayaan filayn in ay xiddigaha Thiago Alcantara, Joel Matip & Naby Keita ku soo laabanayaan garoomada todobaadkan.

3-da xiddig ayaa seegay kulankii ay United guusha ka gaadhay kooxda Sheffield kana tirsanaa horyaalka premier League inkasta la filayay in ay soo laaban doonaan kulanka Midtjylland ee champions League.

Laakiin Klopp ayaa sheegay in ayna 3-da xiddigaba taam u noqon doonin kulanka habeen dambe ee champions League..

Tababare Klopp ayaa yidhi “uma malaynayo” markii la waydiiyay in ay xiddiguhu ka qayb qaadan karaan kulanka.

“Todobaadkii hore ma ahayn todobaadkii ugu fiicnaa nolosheena, waa wax aanan jecalyn taas oo aan na caawin laakiin waxa aan saamayn karnaa jawaabteen”ayuu Klopp ydihi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*