Jurgen Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Jordan Henderson

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka warbixiyay xaalada Jordan Henderson kadib markii uu dhaawac jilibka ah uga baxay kulankii Brighton ee Premier League.

Henderson ayaa ku qasbanaaday in uu ka boxo ciyaarta iyada oo 10 daqiiqo ka dhimantahay kadib markii uu jilibka ka djaawacmay.

Markii wax laga weydiiyay dhaawaca kabtanka ciyaarta ka dib ayuu Jurgen Klopp sheegay in uuna ahayn dhaawac halis ah.

Henderson aya lagu qiimayn doonaa garoonka tababarka waxana laga yaabaa in uu u baahan doono baadhitaan si loo ogaado nooca dhaawaca.

Tababaraha kooxda Liverpool Reds Klopp ayaa yidhi: “Ma aqaan sida ay halis u tahay”.

“Ma arkin sidii ay wax u dheceen laakiin waxa laga yaabaa in uuna dhaawac weyn ahayn laakiin waan sugi doonaa”.

Sii Akhriso: Dadka Gaajo Darteed Ugu Dhiman Kara Xanuunka Korona Dartiis Oo La Saadaaliyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*