Jurgen Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Fabinho.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee xiddiga Fabinho kaas oo dhaawac uga baxay kaliya 30 daqiiqo oo qaybtii hore ah kulankii champions League ee Midtjylland.

Liverpool ayaa guul 2/0 ah ka gaadhay kooxda reer Denmark ee Midtjylland kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa wareega Group-yada champions League.

Fabinho ayaa dhaawac muruq ah ku dhamaysan kari waayay ciyaarta isaga oo ku qasbanaaday in uu ciyaarta ka boxo kadib 30 daqiiqo oo ay socotay ciyaartu.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waa wixii ugu dambeeyay ee aan doonaynay, waxa aan oghahay in uu dareemay xanuun mana ahan wax fiican”.

“Waxa aan wax badan ka ogaan doonaa xaalada Fabinho kadib baadhitaanka”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*