Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Thiago Alcantara & Mustaqbalka Gini Wijnaldum

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay mustaqbalka xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum iyo waliba wararka kooxdiisa la xidhiidhinaya saxiixda xiddiga Thiago Alcantara.

Kooxda Liverpool ayaa maalinta Sabtida marti galin doonta kooxda Leeds United kulankoodii ugu horeeyay ee horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.

Klopp oo ka hadlaya mustaqbalka Georginio Wijnaldum ayaa yidhi”Tan ilaa markii uu Georginio Wijnaldum yimid kooxda waxa aan la qaatay 500 ilaa 600 oo kulan”.

“Dabcan waan la hadlay kadib markii uu ka soo laabtay xulka qarankiisa laakiin wax walba waa intaas”.

“Wax walba Georginio Wijnaldum waxa ay ugu socdaan si fiican waxana aan xidhiidh fiican la leeyahay Georginio Wijnaldum sidoo kale maamulka kooxda waxa uu la leeyahay xidhiidh fiican wax walba oo kale waa wax ay saxaafadu iska sheegayso laakiin ma garan karno waxa dhici doona mustaqbalka”.

Jurgen Klopp oo dhanka kale ka hadlaya mustaqbalka Thiago Alcantara ayaa yidhi”Haddii aan kalmado abuuri karo si aan u soo afjaro wararka Thiago waxa ay noqon lahayd wax aad u badan”.

“Waa wax fiican in Liverpool lala xidhiidhinayo Thiago Alcantara, mar walba waxa aan sheegay in uu xiddig fiican yahay, laakiin nasiib xumo ma soo afjari karo wararka xanta ah”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*