Tababarihii hore ee Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa si caro leh uga falceliyay wararka sheegaya in Real Madrid ay la soo xiriirtay si uu u noqdo tababare.
Klopp oo ka hadlayay munaasabad ay qabaneysay Magenta, ayaa wararkaas ku tilmaamay “wax aan jirin.”
Tababaraha reer Germany ayaa lala xiriirinayay kooxda LaLiga tan iyo markii ay xilka ka qaadeen Xabi Alonso horaantii sanadkan.
Si kastaba, Real Madrid ayaa mar dambe magacaawday Alvaro Arbeloa si uu u beddelo Alonso, inkastoo wararka ku saabsan Klopp ay weli socdaan.
Isagoo ka jawaabaya arrintaas, Klopp wuxuu yiri:“Taasi waa wax aan jirin”
“Hal mar xitaa ima aysan soo wicin. Ma Real baa i soo wacday mise Florentino Perez ayaa i waydiiyay: ‘Jürgen, ma rabtaa shaqadan?’
“Waa arrin dhib badan. Haddii Real ay i soo wici lahayd, waad maqli lahaydeen. Laakiin ma aysan soo wicin”
“Maxaa xiga – ma anigaa isla waqtigaas qabanaya Atletico Madrid sidoo kale? Waan ka xumahay, Madrid. Waa inay marka hore i soo wacaan ka hor inta aan wax ka dhihin.”
Be the first to comment