Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Sababtii Uu Caalaamada Kabtanimada Ugu Dhiibi Waayay Mohamed Salah

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ugu dambayn ka hadlay sababtii uuna Mohamed Salah ugu dhiibin calaamada kabtanimada kulankii midtjylland ee champions League.

Liverpool ayaa la ciyaartay kooxda midtjylland kulankii ugu dambeeyay ee wareega Group-yada champions League bilowgii bishan kaas oo ku dhamaaday bar-baro.

Waxa kulankaas la nasiyay xiddigo badan oo muhiim ah kana mid yihiin xiddigaha kabtanada u ah kooxda laakiin waxa calaamada helay xiddiga Trent Alexander-Arnold.

Xiddiga Mohamed Salah ayaa niyad jab ka muujiyay arintaas kadib waraysi uu siiyay wargayska AS taas oo uu ku sheegay in uu ka xun yahay.

Klopp oo arintaa ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan kabtan ahaa muddo dheer, waana shaqo adag, ma jiraan xiddigo badan oo hogaamiyayaal ah oo heli kara kaliya waxa aad u baahantahay in aad si adag u shaqayso”.

“Ma dareemin waxa ay leedahay hogaamintu, waxa aan leenahay kabtanka Jordan Henderson sidaas darteed in aan hal calaamad kabtan noqdo wax muhiim ah oo ay leedahay ma jirto wax walba waxa ay leedahay qiso weyn”.

“Maan ogayn in ay qiso weyn u tahay Arnold, xeerka halkan ayaa ah in aan leenahay xiddigo hogaamiyaal ah kuwaas oo xidha calaamada sida Henderson, Milner Van Dijk iyo Wijnaldum sidaas darteed uma baahni 4 kabtan laakiin hadii ayna ciyaarin Henderson iyo Milner waxa ku xiga xiddigaha Van Dijk iyo Wijnaldum”.

“Dhamaantood may ciyaarin kulankaas sidaas darteed xiddiga wakhtiga ugu dheer joogay kooxda ayaa xidha calaamada waana sida aan wax u fahmay sidaas darteed waxa ana doortay Arnold, arintu kuma xidhna in uu aad u da’yar yahay iyo wax kale, kadib ciyaarta waxa la ii sheegay in ay ahayd in uu Divock Origi noqdo kabtaka marka loo eego in uu isagu wakhtiga ugu dheer joogay laakiin waxa aan khaldamay sabab la xidhiidha uu amaah kaga maqnaa kooxda sanadkii ugu horeeyay”.

“Arinta wax adag kagama dhici Arnldo kadib markii aan u dhiibay calaamada, waxa aan la hadlay Mohamed Salah ciyaarta laakiin waxa aan haatan ogaaday in uu waraysi siiyay wargayska AS”.

“Salah waxa uu sheegay in uu ka niyad jabay in aanu isagu noqon calaamad laakiin khaladka kaliya ee aan sameeyay ayaa in aanan Divock Origi ka dhigin kabtanka kooxda kulankaas”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 4 Cunto Oo Disha Kulanka Sariirta, Iska Ilaaliya, Waa Waajib Idin Saaran Gudashada Kulanka Sariirta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*