Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Qorshihiisa Suuqa Xagaaga.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay qorshihiisa suuqa kala iibsiga xagaaga isaga oo sheegay in ayna kooxdiisu u baahnayn dib u dhis weyn.

Kooxda Liverpool ayay dhaawacyo ku habsadeen xilli ciyaareedkan iyaga oo dhaawacyo iyada oo xiddigo aad u badan dhaawac uga maqan yihiin kooxda.

Kooxda Liverpool ayaa qaab ciyaareed xun ku jirta qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkan iyaga oo kaliya guul gaadhay 2 kulan tan ilaa dhamaadkii bishii December xilli ay dad badan sheegayaa in ay Liverpool xagaaga u baahantahay dib u dhis weyn.

Si kasta ha ahaatee Klopp ayaan arintaas ku raacsanayn isaga oo sheegay in dhaawacyada badan ee kooxdiisa soo gaadhay yihiin sababta ka dambaysa qaab ciyaareedka xun ee kooxdiisa.

“Dib u dhis weyn? maya run ahaantii, uma baahninin dib u dhis weyn”ayuu Klopp yidhi.

“Dib u dhis waxa ay la macno tahay in aan iibino 10 xiddig lana soo saxiixano 10 xiddig oo kale si aan u badalno kooxda”.

“Uma malaynayo in aan u baahanahay dib u dhis weyn sida aan dib u dhis u fahamsanahay waa in aan iibiyo 6 ilaa 7 xiddig si aan xiddigo cusub u keeno”.

“Kooxda aan haatan haysto fursad uma helin in ay kulamo badan wada ciyaaraan waxana aan u malaynayaa in ay arintaas sabab u tahay qaab ciyaareedkeena”ayuu sii raaciyay.

“Waxa aan samayn doonaa xoojin yar marka la gaadho wakhtigeeda laakiin dib u dhis weyn uma baahnin”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*