Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Qorshihiisa Suuqa January, Miyuu La Soo Saxiixan Doonaa Daafac Cusub?

Tababaraha Kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay qorshihiisa suuqa kala iibsiga Bishan January xilli ay kooxdiisu dhexda uga jirto masiibo dhaawac oo dhan daafaca ah.

Jurgen Klopp ayaa si weyn hoos ugu dhigay suurtagalnimada ay kooxdiisu wax saxiix cusub ah ku samayn doonto suuqa bishan si ay xoojiso booska daafaca ee uu dhaawacu hadheeyay.

Liverpool ayaa dhaawac muddo dheer ah ku wayday xiddigaha Virgil Van Dijk iyo Joe Gomez xilli uu Joel Matip 3 todobaad maqnaado marka uu laba kulan ciyaaraba.

Tababare Jurgen Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Sida iska cad waxa aan kooxda ku haysanaa xalka laakiin waxa aan wali ku dhibaatoonaynaa dhaawacyada”.

“Mararka qaar way dhacdaa waxana aan ku dhibaatoonaynaa dhaawacyo dhanka daafaca ah”.

“Haatan waxa aan kooxda ku haysanaa xalal laakiin ma garanayo in aan suuqa u gali doono xal”ayuu yidhi.

“suuqa January waa mid adag, waad ogaan kartaa in ayna koox kasta haysan lacag ay suuqa ku gasho”.

“Ilaa haatan waa jecelahay waxa aan qabanay”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*