Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Mohamed Salah, Miyuu Ku Faraxsanyahay Reds?

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in Mohamed Salah uusan ku faraxsaneyn kooxda.

Xiddiga reer Masar waraysi siiyay wargayska AS toodbaadkii hore isaga oo aan Albaabka ka xidhin ku biirista kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Wararkaas waxa soo raacay warar sheegaya in uuna xiddigu ku faraxsanayn kooxda Liverpool kadib uu si weyn uga xanaaqay in uuna tababaruhu u dhiibin calaamad kabtanimo kulankii Midtjylland ee champions League.

Si kasta ha ahaatee Klopp ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan xiddigiisa ugu fiican kooxda.

“Kama hadli karo faah-faahinta horayna uguma sheegin saxaafada mana bilaabayo maanta”ayuu Klopp yidhi.

“Mohamed Salah waxa uu ku jiraa jawi fiican, waxa uu ku jiraa taam ahaansho weyn arintaas ayaana ugu muhiimsan”.

“Saaka sawiro kamaanu qaadin garoonka tababaraha laakiin waxa aad aragteen tababarkii hore aad ayuu u qosalayay wuuna faraxsanaa”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*