Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Georginio Wijnaldum Kadib Xiisihii Barcelona.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in dhibaatada heshiiska ee xiddiga Georginio Wijnaldum in ayna saamayn xidhiidhka uu la leeyahay xiddiga waliba rajo weyn ka qabo mustaqbalka xiddiga khadka dhexe.

Xiddiga reer Holland ayaa xor noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan taas oo la macno ah in uu wadahadalo hordhac ah la gali karo kooxaha ka baxsan England 1 bisha January.

Georginio Wijnaldum ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Barcelona xagaagii laakiin haatan waxa jira kooxo badan oo kale oo doonaya saxiixiisa kadib guulihii uu la gaadhay kooxda Liverpool.

Xiddiga ayaa kulankiisiii 201-aad u saftay Liverpool isaga oo 28 kaliya badal ku soo galay 4-tii sano ee uu joogay kooxda.

“Run ahaantii wax badan kama odhan karo, waan ku farxi doonaa hadii uu sii joogo, waan ku faraxsanahay Georginio Wijnaldum sida aad arkaysa waxa uu ku jiraa shaxdayda mar walba”ayuu Klopp yidhi.

“Waxa uu u ciyaaraa si fiican mar walba waana sababta oo mar walba ugu jiro shaxdayda, ma garan karo wakhti uu kulan xun ciyaaray hadii aan runta ka hadlo”.

“Waxa uu nooga ciyaaray boosas badan haatana waxa uu ku jiraa qaab fiican waxana aan rajaynayaa in ay sii socoto”.

“Ma garan karo kulamada uu ciyaaray intii aan joogay halkan laakiin way fiicantahay in ayna jirin wax kale oo laga yidhaahdo”.

“Ilaa inta aan waxba la go’aamin waan ku faraxsanaan doonaa in uu nala joogo”.

Sii Akhriso: Laba Qarax Oo Khasaare Weyn Ka Dhashay Oo Ka Dhacay Muqdisho 12 Saac Gudohood

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*