Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Gool La’aanta Roberto Firmino Ee Anfield.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxdiisa ee Roberto Firmino taageero u muujiyay xilli abaarta goolasha ee xiddiga ee Anfield sii socoto.

Xiddiga reer Brazil ayaan wax gool ah ku dhalin Anfield tan ilaa bishii March ee sanadkii hore isaga oo aan wax gool ah ku dhalin garoonka wixii ka dambeeyay.

Frimino ayaa ku dhawaaday kulankii Burnley laakiin kubadii uu goolhayaha Nick Pope dhaafiyay ayaa birta ku dhacday isaga oo aan wax gool ah dhalin.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa dhaliyay 11 gool xilli ciyaareedkan marka loo bar-bar dhigo xiddigaha ay isku kooxda yihiin ee Mohamed Salah (23) iyo Sadio Mane (20) isaga oo aan sidoo kale wax gool ah premier League dhalin tan ilaa bishii Jnauary.

“Wax dhibaato ah ma arko sababta oo ah Bobby waxa uu u ciyaaray si fiican mana xukumeyno isaga”ayuu Klopp yidhi.

“Kaliya kama fikirno goolashiisa wax muhiim ah ma lahan in uu dhaliyo goolal, Bobby waxa aan uga baahanahay arimo kale, kaliya waxa aan uga baahanahay meesha uu joogo”.

“Waxa aanu dhalinaa goolasha kale sababta oo Bobby ayaa noo fududeeya”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: Wadahadaladii Somaliland & Somalia Oo Dib U Dhacay & Muqdisho Oo Sabab U Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*