Jurgen Klopp Oo Ka Fal Celiyay Guuldaradii Weynayd Ee Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Man City.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa difaacay xiddigaha kooxdiisa kadib guuldaradii weynayd ee 4/0 ahayd ee ka soo gaadhay Man City isaga oo sheegay in ay kooxdiisu wali bartilmaaameedsanaydo rikoodhada gaarka ah.

Kooxda Liverpool oo khamiistii hore ku guulaystay horyaalka premier League ayaa la kulantay guuldaradii 2-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Kevin de Bruyne, Raheem Sterling, Phil Foden & Alex Oxlade-Chamberlain ayaa Man City ku hogaamiyay guul weyn oo ay ka gaadhay kooxda dhawaan loo caleemo saaray horyaalka.

Tababaraha Man City ayaa ciyaarta kadib sheegay in ay xiddigaha Liverpool khamri badan cabeen laakiin waxa uu sheegay in ay xiddigaha Reds doonayeen in ay guul gaadhaan kulanka.

Klopp ayaa dhankiisa sheegay in ay Liverpool wali dhaafi karto rikoodhka 100 dhibcood ee ay Man City dhigtay.

Si ay u jabiyaan Rikoodhka waxa ay u baahanyihiin 15 dhibcood 6 kulan ee uga hadhay dhamaadka xilli ciyaareedka kaas oo ka bilaabmi doona Axada kulanka Aston Villa.

Markii wax laga waydiiyay in guuldaraduu dishay rajadooda ah in ay rikoodh cusub dhigaan ayuu Klopp yidhi”way dishay laakiin waxba kama badali karno”.

“Kulankan maanu badalin laakiin waa in aan diyaar u noqono kulanka Aston Villa, dhibcahana waa kuwo aan gaadhi karno”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*