Jurgen Klopp Oo Jawaab Lama Filaan Ah Ka Bixiyay Hadii Ay Liverpool Ku Qanci Lahayd Bar-Baro Ay La Gasho Man City.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa si maldahan u sheegay inuu ku farxi lahaa inuu barbaro ka helo kulanka Premier League ee ay la leeyihiin Manchester City fiidnimada axada.

Kooxaha Man City iyo Liverpool ayaa isaga hor iman doona Anfield kulan xiiso leh oo ka tirsan premier League todobaadkii 7-aad.

Kooxda Pep Guardiola ayaa u muuqata kuwo ku soo laabtay qaab ciyaareedkoodii fiicnaa xilli ay Liverpool tahay kooxda kaliya ee aan ilaa haatan laga badin horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Klopp ayaa haatan sheegay in uu ku farxi lahaa hadii ay kooxdiisu kulanka axada bar-baro la gasho maadama ay kooxdiisu wali bilaa guuldaro ahaan doonto hadii ay sidaas dhacdo.

“Bar-Baro aan la galno Man City oo ay la macno tahay in aan wali nalaga badin, miyaan qaadan lahaa? wali waa wakhti hore”.

“Waa in aan ciyaarno kubadeena kadib i waydii su’aashaas ciyaartu marka ay dhamaato, hadii aan shaqo fiican qabano waa Sax”.

“Hadii aan badino, waxan u malaynayaa in ay fiicnaan lahayd”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*