Jurgen Klopp Oo Hoosta Ka Xariiqay Sababta Ayna Sadio Mane & Mohamed Salah Uga Tagi Doonin Liverpool.

Tababaraha kooxda hoosta ka xariiqay sababat uu ugu kalsoonyahay in ayna Mohamed Salah iyo Sadio Mane isaga tagi doonin kooxda Liverpool.

Tan ilaa markii ay liverpool noqotay kooxda ugu fiican adduunka sanadihii ugu dambeeyay waxa jira warar xidhiidh ah oo ku saabsan mustaqbalka Salah iyo mane.

Labada xiddig ayaa kooxda kula jira ilaa xagaaga 2023 laakiin arintaas ayaan ka hor istaagin in lala xidhiidhiyo kooxaha ay ka midka yihiin Real Madrid iyo Barcelona.

Wararka xanta ah ayaa soo xidhmay kadib markii ay Liverpool sanadkii hore ku guulaystay champions League ka hor inta ayna xilli ciyaareedkan ku guulaysan UEFA Super Cup, the Club World Cup & Premier League.

Laakiin Klopp ayaa sheegay in ayna xaqiiqada ah in ay liverpool ku guulaystay premier League ama champions League in ay Salah iyo Mane ku sii hayn doonto Liverpool Laakiin ay tahay rabitaan ay doonayaan in ay boqortooyo cusub ka dhisaan Anfield.

“ii sheeg taxadi ka fiican in aan guulo ku gaadho Liverpool Fc”ayuu Klopp yidhi.

“Waxa jira kooxo waaweyn oo badan laakiin hadii aad tagto Real Madrid ama Barcelona waxa aad horyaalka ku guulaysanaysaa 6 ama 7 jeer muddo 15 sano ah”ayuu Klopp yidhi.

“Waxa aan isku dayaynaa in aan dhisno koox xiiso leh oo qof walba doonayo in uu ka qayb ahaado”.

“Qorshaha ayaa ah in uu xiddig Walba oo u ciyaara Liverpool dib u eego waliba ogaado in maalintii ugu muhiimsanayd noloshiisa in ay ahayd maalintii uu ku biiray Liverpool”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*