Jurgen Klopp Oo Haatanba Diiday In Uu Halkan Xiddig Ka Tago Kooxdiisa Suuqa January.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa lagu soo waramayaa in uu haatanba meesha ka saaray in uu xiddiga da’yarka ah ee Rhys Williams amaah uga tago kooxda suuqa January.

Xiddiga 19 jirka ah ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay tan ilaa markii uu Jurgen Klopp u soo dalacay kooxda 1-aad kadib dhaawacii Virgil van Dijk & Joe Gomez.

Rhys Williams ayaa Liverpool u ciyaaray dhamaan 6-dii kulan ee champions Leaguea wareega Group-yada halka uu sidoo kale 3 kulan ku bilowday horyaalka premier League.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in uu tababare Jurgen Klopp markii hore diyaar u ahaa in uu amaah ku fasaxo xiddiga Rhys Williams laakiin haatan badalay go’aankiisa waliba doonayo in uu sii joogo kadib markii uu qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*