Jurgen Klopp Oo Go’aan Kama Dambays Ah Ka Gaadhay Saxiixa Daafac Cusub Suuqa January.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa soo afjaray rajada taageerayaasha kooxda Liverpool ee doonaya in ay kooxdoodu la soo saxiixato daafac dhexe inta lagu jiro suuqa Jnauar.

Liverpool ayaan la soo saxiixan doonin daafac cusub inta lagu jiro suuqa January inkasta oo ay kooxdiisu ku jirto masiibo daafac ah.

Tan ilaa dhamawacii Virgil Van Dijk, Joe Gomez iyo Joel Matip kooxda Liverpool ayaa lala xidhiidhinayay daafacyo cusub inta lagu jiro bishan.

Laakiin Jurgen Klopp ayaa sheegay in ayna kooxdiisu wax saxiix ah samayn doonin inta lagu jiro suuqa Jnauary ee bishan.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Suuqa January waa mid adag sida aad ogtihiin”.

“Ma jiraan kooxo badan oo haysta lacag”.

“Aniga ahaan wax macno ah iima samaynayso in aan saxiix sameeyo bishan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*