Jurgen Klopp Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Liverpool Kadib Markii Ay Kooxdiisu Ku Biirtay European Super League

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in uuna isaga tagi doonin kooxda Liverpool sabab la xidhiidha in ay kooxdu ku biirtay tartanka European Super League.

Mustaqbalka Klopp ayuu markii horeba shaki ku jiray sabab la xidhiidha xilli ciyaareedka xun ee ay Kooxdu ku jirto iyo waliba in uuna maamulka kooxda ka helin taageero dhanka suuqa ah.

Markii ay liverpool xaqiijisay in ay ku biiri doonto tartanka European Super League xilli ciyaareedka dambe waxa uu shaki fuulay mustaqbalka Klopp ee kooxda Liverpool.

Isaga oo la hadlaya saxaafada kadib bar-barihii ay kooxdisu la gashay Leeds United ayuu yidhi”Waxa aan halkan u joogaa tababare kubada cagta ah, waxana aan sii wadan doonaa shaqadayda”.

“Iskama casili doono shaqada sabab la xidhiidha European Super League, hadii uu wakhtigu sii adkaado waxa aan sii joogi doonaa halkan sababta oo ah waxa aan dareensanahay masuuliyada aan ku caawin karo kooxda’.

“Waxana aan xidhiidh fiican la leeyahay taageerayaasha laakiin waxa aan isku dayi doonaa in aan caawiyo kooxda”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Maxaad Ku Jawaabi Hadii Gabadh Aad Ka Heshay Ku Waydiiso Da’daada?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*