Jurgen Klopp Oo Doortay Labada Xiddig Ee Uu Ka Ciyaarsiin Doono Daafaca Kulanka Leicester City.

Wararka ka imanaya England ayaa sheegaya in uu Jurgen Klopp haatanba doortay labada xiddig ee uu ka ciyaarsiin doono daafaca dhexe kulanka Leicester City ee horyaalka premier League.

Liverpool ayaa dhaawac muddo dheer ah ku wayday xiddigaha Virgil Van Dijk iyo Joe Gomez waxana sidoo kale haatan dhaawac kaga maqan xiddiga Fabinho.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in uu Jurgen Klopp haatanba doortay laabda xiddig ee uu daafaciisa ka ciyaarsiin doono kulanka Leicester City.

Tababare Klopp ayaa doortay in uu weerarkiisa ka ciyaarsiiyo xiddigaha Nat Philips iyo Joel Matip kadib markii uu tababare Klopp xiddiga da’yarka ah ciyaarsiiyay kulankii West Ham.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*