
Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa bar-barayn doona rikoor u yaala kooxda marka uu hogaamiyo kooxdiisa kulanka finalka FA Cup-ka ee ay Maanta la ciyaari doonaan kooxda chelsea.
Tababarihii kaliya ee Liverpool ku hogaamiya 4 Final oo waaweyn waxa uu ahaa Halyeeyga Bob Paisley kaas oo sidaas sameeyay intii u dhexaysay 1974 & 1983.
Paisley ayaa Liverpool ku hogaamiyay League Cup, FA Cup, UEFA Cup & European Cup isaga oo kula guulaystay 6 Horyaal, hal UEFA Cup, 3 League cup, 3 koob oo European cup ah, iyo Hal UEFA Super Cup.
Kadib markii uu Klopp Liverpool ku hogaaiyay EFL Cup, Europa League & Champions League Waxa uu bar-barayn doonaa rikoodha Paisley marka uu galabta kooxdiisa hogaamiyo Final-ka FA Cup-ka.
Intii uu Hogaaminayay kooxda Klopp ayaa kooxda Liverpool kula guulaystay Hal Horyaal, Hal Leaue cup, Hal champions Leageu, Hal UEFA Super Cup & Club World Cup.
Be the first to comment