Jurgen Klopp Oo Balan Qaad U Sameeyay Taageerayaasha Liverpool Marka Uu Xanuunka Korona Dhamaado.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa u sheegay taageerayaasha inay u diyaar garoobaan dabaal deg weyn sida ugu dhaqsiyaha badan isla marka uu dhamaado xanuunka Korona.

Reds ayaa ugu dambayn gacanta ku dhigtay koobka Premier League kadib markii ay 5/3 uga badiyeen kooxda chelsea kulan ka dhacay garoonka Anfield.

Klopp iyo xiddigihiisa ayaa garoon madhan ugu dabaal dagay koobka premier League maadama aan loo ogolayn sababa la xidhiidha xanuunka Korona.

Taageerayaasha ayaa isugu soo baxay bannaanka Anfield, iyagoo salaamaya baskooda kooxda iyagoo wata shumacyo isla markaana u dabaal dagayay koobka Premier League intii ay socotay ciyaartu iyo waliba ciyaarta kadib.

Klopp ayaana balan qaaday in uu taageerayaasha siin doono dabaal dag sax ah isla marka uu dhamaado xanuunka Korona isaga oo fariin qalbi furan u diray.

Klopp ayaa u sheegay Sky Sports: “Maxaan dhihi karaa? Haddii aanad arkayn in aan adiga dartaa u samayn, run ahaantii kuma caawin karo”.

“5 Sano ka hor waxa aan idin waydiiyay in aad dadka idinka shakisan u badashaan dad indin aaminsan, manaan ogayn wakhtiga ay noqon doonto wakhtigaas”.

“Laakiin waad samayseen, waxa aad ka dhigeen in aan samayno, run ahaantii Aad ayaad u mahadsantahay”.

“Waa in aan dhamaanteed wada dabaal dagno idinka oo guriga jooga sabab la xidhiidha caafimaadka guud”.

“Laakiin waa inaad u diyaar garowdid xaflad, ma garanayo wakhtiga uu xanuunku dhamaan doono laakiin marka uu tago waxa aan yeelan doonaan xaflad dhamaanteen”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*