Jurgen Klopp Oo Amaanay Saxiixiisa Cusub Ee Tsimikas Kadib Markii Uu Kulankiisii Ugu Horeeyay Ciyaaray.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa amaanay saxiixiisa cusub ee Kostas Tsimikas kaas oo ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay ee Liveropool kadib markii uu ku soo biiray kooxda xagaagan.

Kostas Tsimikas ayaa Liverpool ku soo biiray xagaagan isaga oo ah saxiixa kaliya ee ay ilaa haatan Liverpool samaysay waxana uu 45 daqiiqo ciyaaray kulankii saaxiibtinimo ee ay Reds ka badisay kooxda Stuttgart ee saaxiibtiimada ahaa.

Kostas Tsimikas ayaa soo galay ciyaarta qaybtii dambe iyada oo lagu badalay xiddiga Andy Robertson kaas oo isagu ciyaaray qaybtii hore ee ciyaarta.

Kadib ciyaarta Klopp ayaa amaanay qaab ciyaareedka xiddiga Kostas Tsimikas kaas oo markii ugu horaysay kulan u ciyaaray kooxda Liverpool.

Klopp oo ciyaarta kadib la hadlaya saxaafada ayaa yidhi” Kostas Tsimikas? run ahaantii waa xiddig fician, waa xiddig orod badan waliba kalsooni ku qaba naftiisa, waa xiddig fiicna”.

“Waxa uu u ciyaaray si fiican kulankisii ugu horeeyay waxana uu la qabsaday qaab ciyaareedkeena hadii ay tahay dhanka daafaca ama dhanka weerarka”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*