Jurgen Klopp Oo Amaanay Mohamed Salah Kadib Markii Uu Dhaliyay 100 Oo Premier League Ah.

Jurgen Klopp ayaa ammaanay Mohamed Salah ka dib markii ‘Boqorka Masar’ uu goolkiisii ​​100 -aad ee Premier League ka dhaliyay Leeds, isagoo ku adkeystay in weeraryahanku uu wali u gaajaysanyahay in uu goolal badan dhaliyo.

Salah ayaa goolka u dhaliyay kooxdiisa daqiiqadii 20-aad kulankii ka dhacay garoonka Elland Road Axadii, isagoo gool u badalay baas uu ka helay xiddiga Trent Alexander Arnold isaga oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Xiddiga 29 jirkaan ayaa xilli ciyaareedka ku bilowday qaab ciyaareed fiican, isagoo shabaqa soo taabtay seddex jeer islamarkaana caawiyey labo jeer afartii kulan ee furitaanka Premier League.

“Rikoodhada Mo waa kuwo waalan”ayuu Klopp yidhi kadib markii ay ciyaartu dhamaatay.

“Tan ilaa markii nagu soo biiray waxa uu ahaa xiddig cajiib ah, wali waxa uu u gaajaysanyahay, wali ma faraxsana, in uu kaliya dhaliyo hal ama 2 gool waana sida ay xiddigaha waaweyn yihiin”.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Uusan Ninku Weydiin Gabadha Uu Jecelyahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*