Jurgen Klopp Oo Amaan Ugu Qubeeyay Qaab Ciyaareedka Xiddigiisa Diogo Jota

Xiddiga Diogo Jota ayaa durba muujiyay in uu ka qayb noqon karo xiddigaha ugu muhiimsan kooxda Liverpool 4 todobaad kadib markii uu ku soo biiray kooxda Anfield.

Xiddiga reer Portugal ayaa goolkiisii 2-aad dhaliyay premier League kulankii ay Liverpool guusha ka gaadhay kooxda Sheffield United.

Xiddiga ayaa ka ciyaaray garabka Midig ee weerarka kulankii Sheffield United shax cusub oo uu Jurgen Klopp ku ciyaaray 4-2-3-1.

Tababare Klopp ayaana sheegay in uu ku qancay qaab ciyaareedka xiddigiisa kulankii ay Reds guusha ka gaadhay kooxda Sheffield United.

“Waxa uu leeyahay tayada aan u baahanahay sidaas darteed wuu na caawin karaa”.

“Haa, Digo waxa uu dhaliyay gool cajiib ah waxana uu in badan ku lug lahaa kulanka walibana wuu sii fiicnaan karaa 100%”ayuu Klopp yidhi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*