Jurgen Klopp Oo Afka Furtay Kana Jawaabay Su’aal La Xidhiidha Thiago Alcantara

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay wararka kooxdiisa la xidhiidhinaya saxiixa xiddiga kooxda Bayern Munich ee Thiago Alcantara isaga oo sheegay in uu yahay run ahaantii xiddig fiican.

Xiddiga Bayern Munich ee Thiago Alcantara ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Liverpool marka uu suuqa xagaagu furmo.

Xiddiga reer Spain oo uu heshiiskiisu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedka dambe ayay kooxdu doonaysaa in ay iska iibiso xagaagan halkii ay xor ku waayi lahayd.

Tababare Jurgen Klopp ayaa wax laga waydiiyay saxiixa xiddiga Thiago Alcantara kadib kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaadhay kooxda Aston Vila kulan ka tirsanaa premier League.

Klopp ayaa yidhi”Miyaad yaabi doontaa hadii aanan ka jawaabin?” Marna kama jawaabo su’aalaha noocaas ah”.

“Laakiin waa xiddig fiican oo waan jecelahay laakiin ma jirto wax intaas ka badan oo aan ka yidhaahdo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*