Jurgen Klopp Oo Afka Furtay Kana Hadlay Dhacdadii Dhexmartay Isaga Iyo Mohamed Salah Kulankii West Ham.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay murankii uu la galay xiddiga Mohamed Salah kulankii West Ham.

Klopp ayaa kaydka dhigay xiddiga Mohamed Salah kadib qaab ciyaareedkii liitay ee uu soo bandhigay kulankii Everton.

Tababare Klopp ayaa kaydka ka soo kiciyay xiddiga iyada oo Liverpool u baahantahay guul.

Laakiin Kamerooyinka ayaaa qabtay Salah iyo Tababaraha oo muramaya.

Salah iyo Klopp ayaa is dhaafsaday hadalo ka hor inta uuna Klopp dib uga joogsan.

Mohamed Salah ayaa isku dayay in uu ka taba dhaqaaqo Klopp laakiin Darwin Nunez oo badal lagu soo galinayay wakhtigaas ayaa joojiyay Salah.

Ciyaarta kadib ayaa Klopp wax laga waydiiyay dhacdada waxana uu yidhi”Ma sheegi doono waxa la isku yidhi”

“Salah waxa aan haatan ku wadahadalnay qolka Labiska, hada wax walba waa fiican yihiin”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga