Liverpool Uma Qalanto In Ay Ka Qayb Gasho Champions League.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa qirtay inaysan u qalmin inay ka mid noqdaan Champions League haddii ay sii wadaan inay u ciyaaraan qaabkii ay u ciyaareen kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen Newcastle.

Rajadii Liverpool ee ahayd in ay ku dhamaystaan 4-ta boos ee ugu sareeya ayaa dhirbaaxo la kulantay kadib markii ay bar-baro niyad jab leh kala kulmeen kooxda Newcastle United kulan ka dhacay Anfield.

“Hadii aan u ciyaarno sidan oo aanan dhamaystirin kulamada, waa maxay sababta ay tahay in aan uga ciyaarno champions League”ayuu Klopp yidhi.

“Uma qalano in aan ka ciyaarno champions League hadii aanan u ciyaarin si fiican oo aanan waliba u shaqaysan”ayuu sii raaciyay.

Liverpool ayaa 4 dhibcood ka dambaysa kooxda kaalinta 4-aad kaga jirta horyaalka premier league ee chelsea waxana ay u baahantahay mucjiso si ay ugu soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso:  U Gaar Ah Ragga: Ninow 4-tan Arin Ha U Sheegin Gabadha Hadii Aad Si Dhab Ah U Jeceshahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*