Jurgen Klopp Kashifay Tirada Kooxaha U Tartai Doona Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in sideed koox haatan ku jiraan loolanka loogu jiro hanashada horyaalka Premier League isaga oo qirtay in difaacashada Liverpool ee horyaalka Premier League noqon doonto shaqo ka fiican midii ay Reds qabatay xilli ciyaareedkii hore.

Kooxda Difaacanaysa horyaalka ayaa Axada la ciyaari doonta Leicester City xilli ay ku dhibaatoonayaan dhaawacyo dhanka daafac ah xilli ciyaareedkan.

Laakiin Tababare Klopp ayaa sheegay in ay jirto 8 kooxood oo u tartami doona hanashada horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

“Waxan u malaynaa in ay jraan 8 koox”ayuu Klopp u sheegay Daily Mail markii la waydiiyay tirada kooxaha u tartami doona horyaalka.

“Waxa uu noqon doonaa tartan furan, wax dhibaato ahna kuma qabo arintaas”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*