Jurgen Klopp: Halkan Arin Ayaa Sabab U Ahayd Guuldaradii Naga Soo Gaadhay Man City.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Man City kulankii ka dhacay Anfield kana tirsanaa premier League.

Liverpool ayaa guuldaor 4/1 ah kala kulantay Man City kulan ay Liverpool la kulantay guuldaradii 3-aad oo xidhiidh ah garoonkeeda premier League.

Klopp oo ka hadlaya ciyaarta ayaa yidhi”Inta badan ciyaarta waxa aan ahayn koox fiican, waxa aan arkaa indhihiina in aad wax kale aaminsantihiin, qaybtii hore waxa aan u ciyaarnay si fiican, qaybtii dambe Mna City ayaa badashay qaab ciyaareedkeeda waxana aan u baahanahy in aan la qabsano waxana ay dhaliyeen gool 1-aad”.

“Waxa aan siinay fursado badan waxana ay dhaliyeen gool kadib waan bar-baraynay kadib waxa aan ahyn koox fiican laakiin waxa aan samaynay laba khalad oo waaweyn ciyaartuna waxa ay noqotay 3/1 kadib waxa adkaatay in aan soo laabano ugu dambayn Foden ayaa dhaliyay goolka 4-aad”.

“Hadii aan u ciyaarno sida aan u ciyaarnay kulankan waxa aan badin doonaa kulamada 100%”.

Isaga oo ka hadlaya khaladkii Alisson ayuu yidhi”maanu siin dookhyo badan gaar ahaan goolkii hore laakiin goolkii 2-aad waxa uu sameeyay khalad, laakiin Alisson waxa uu na badbaadiyay marar badan shaki kuma jiro laakiin caawa waxa uu sameeyay khalad”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*