Jurgen Klopp: Faa’iido Ayay Noo ahayd Guuldaradii Aston Villa.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in guuldaradii 7/2 ahayd ee ka soo gaadhay Aston Villa wax fiican u noqotay kooxdiisa ka hor kulanka Everton ee Merseyside derby.

Reds ayaa kulanka Merseyside derby galaya iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaan wadada saxda ah kana hor tagaya kooxda Everton oo ah kooxda kaliya ee badisay dhamaan 4-tii kulan ee ay ciyaartay horyaalka premier League.

“Dhinacyada waxa aan ka jecelahay guuldaro 3/2 sababta oo waa arin iska cad”ayuu u sheegay talkSPORT.

“Waxa aan kulankaas la kulmi karnay guuldaro 3/2 ah kadib waxa ay xiddiguhu aadi lahaayeen waajibaadka xulkooda, anaguna waxa aan sii falanqayn lahayn wax walba”.

“Laakiin Guuldaradii 7/2 ahayd ayaa faa’iido noo ah”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*