Julian Alvarez Oo Ka Jawaabay Xiisaha Liverpool iyo Arsenal

Arsenal iyo Liverpool ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan saxiixa weeraryahankii hore ee Manchester City Julian Alvarez xagaagan Atletico Madrid, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Spain.

Alvarez ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay ee Atletico isaga oo dhaliyay 29 gool tartamada oo dhan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa goolal joogta ah u dhaliyay Man City, lakiin waxa uu ka tagay Etihad Stadium xagaagii hore isagoo raadinaya waqti dheeri ah.

Alvarez ayaa si deg deg ah muhiim ugu noqday kooxda Atletico Madrid qaab ciyaareedkiisa ayaana soo jiitay kooxaha premier League.

Marca ayaa sheegeysa in kooxda heysata horyaalka Premier League ee Liverpool iyo kooxda labaad ee Arsenal ay labaduba diiwaan gashadeen xiisaha 25 jirkaan, kaasoo dhaliyay 36 gool 103 kulan oo uu u saftay Man City.

Waxaa la sheegaa in Liverpool ay haatanba la xidhiidhay Atletico Madrid si ay wax uga ogaato heelitaanka xiddiga.

Arne Slot ayaa doonaya in uu xiddig gooldhaliye ah ku soo dhaweeyo kooxdiisa ku guulaystay premier League.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa iska diiday in uu ku biiro kooxaha premier League isaga oo doonaya in uu sii joogo La Liga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga