Jules Kounde Oo Shaaca Ka Qaaday Qaabkii Uu Ugu Dhawaaday Ku Biirista Man City & Wixii Uu Pep Guardiola Ku Yidhi

Daafaca Barcelona Jules Kounde ayaa shaaca ka qaaday inuu ku dhawaaday inuu ku biiro Manchester City, ka dib markii uu Pep Guardiola si shaqsi ah ula hadlay sanadkii 2019.

Daafaca reer France, oo si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Chelsea ka hor inta uusan ugu dambeyn ku biirin Man City ayaa qirtay in uu ku biiri lahaa Man City ka hor intii uuna go’aansan in uu sii joogo Sevilla hal xilli ciyaareed oo kale.

Guardiola ayaan ugu dambayn sanadkii 2019 la soo saxiixan daafac dhexe isaga oo kooxda 1-aad u dalacsiiyay xiddiga Erik Garcia oo haatan u ciyaara kooxda Barcelona si uu ugu buuxiyo booska ay ka dhaawacmaan xiddigaha Aymeric Laporte, Vincent Kompany & John Stones.

Markii wax laga weydiiyay xiisaha Guardiola, Kounde ayaa u sheegay majaladda El Pais: “Haa, sannadkaygii ugu horreeyay ee Sevilla. Wuu isoo wacay”.

“Waxa uu ii sheegay in uu i jecel yahay oo uu u malaynayay in aan ku haboonaan doono qaab ciyaareedkiisa”.

“Marka la eego, haa; Wax badan ayaan kala hadlay kubbadda cagta labadoodaba. Taasina waa waxa aan jeclahay”.