
Ciyaaryahanka kooxda Real Madrid Jude Bellingham ayaa lagu wadaa in lagu sameeyo qaliin dhanka garabka ah ka dib markii ay kooxdu ka qeyb gashay koobka kooxaha aduunka.
Xiddiga reer England ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku xaqiijiyay in uu mari doono qaliinka kadib koobka kooxaha adduunka si uu uga soo kabsado dhaawaca garabka ka soo gaaray.
Bellingham ayaa ku ciyaaraya alaab ilaalisa dhabarka in ka badan sanad taasoo saameyn ku yeelatay qaab ciyaareedkiisa Real Madrid.
Sida laga soo xigtay dhowr warbixinood, Bellingham waxa uu maqnaan doonaa 3-4 bilood ka dib marka qaliin lagu sameeyo sidaas darteed waxa uu maqnaan doonaa bilowga xilli ciyaareedka cusub.
Be the first to comment