Jude Bellingham Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo Xilli Real Saxiixa Xiddiga Kula Dagaalamayso Kooxaha Premier League.

Xiddiga sida weyn loo raadinayo xiddi khadka dhexe ee Borussia Dortmund Jude Bellingham ayaa lagu soo waramayaa inuu isha ku hayo inuu u dhaqaaqo Real Madrid 2023.

19-sano jirkaan ayaa la filayaa inuu dhexda u galo loolan adag oo suuqa kala iibsiga ah sanadka soo socda, iyadoo Dortmund iska iibinayso xiddiga xagaaga ama suuqa January.

Bellingham ayaa lala xidhiidhinayaa saxiixa kooxaha ay ka mid yihiin Real Madrid, Liverpool, Chelsea, Manchester United iyo Manchester City.

Liverpool ayaa muddo dheer loo arkaa mid ka mid ah kooxaha ugu cadcad saxiixa xiddiga heerka caalami, wararkii ugu dambeeyay ayaana sheegaya in ay Reds ku rajo weyntahay saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa sidoo kale hormuud u ah safka loogu jiro saxiixa Bellingham, Sport ayaana sheegeysa in ciyaaryahanka khadka dhexe uu qalbigiisu doonayo ku biirista Real Madrid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*