Juan Cuadrado Oo Pogba Ku Booriyay In Uu Ku Soo Laabto Juventus.

Paul Pogba ayaa ku soo laabtay garoonka Allianz Arena ee ay ku ciyaarto Juventus kulanka Semi-final-ka UEFA Nations League ee uu xulka France la ciyaari doono xulka Belguim, xiddiga Juventus ee Juan Cuadrado ayaana ku booriyay xiddiga reer France inuu sii joogo oo uuna ku laaban Manchester.

Xiddiga Paul Pogba ayaan iloobin in uu muujiyo farxadiisa kadib markii uu ku soo laabtay magaalada Torino xill uu matalayo xulka qarankiisa France kulanka UEFA Nations League.

Pogba ayaa ku soo laabtay garoonka Allianz Arena isaga oo tababar ku qaadanaya ka hor kulanka waxana uu isku diyaarinayay kulanka Belguim ee caawa.

Xiddiga Pogba ayaa bogiisa Instagram-ka soo dhigay qoraal ah Semi-final-ka Nations League ayaa bilowday”.

Xiddiga kooxda Juventus ee Juan Cuadrado ayaa ugu jawaabay” Saaxiibkay, Pogba iska sii joog gurigaaga”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*