Josko Gvardiol Oo Heegan Galiyay Chelsea, Maxaa Cusub?

Daafaca dhexe ee kooxda RB Leipzig Josko Gvardiol ayaa diiday in uu albaabka ka xidho suurtogalnimada uu ugu wareegayo kooxda chelsea marka la gaadho suuqa January.

20-sano jirkaan ayaa ka mid ahaa bartilmaameedyada tababarihii hore ee Chelsea ee Thomas Tuchel kadib markii ay kooxda ka tagaan xiddigaha Antonio Rudiger iyo Andreas Christensen.

Si kasta ha ahaatee Leipzig ayaa diiday in ay iibiso xiddiga daafaca dhexe waxana ay dhawaan ka saxiixdeen heshiis cusub oo ilaa xagaaga 2027 ah.

“Waan ku faraxsanahay Leipzig, waxaan haystaa wax badan oo aan ku barto waxaanan u baahanahay inaan naftayda ka shaqeeyo, waxaan haystaa dad wax walba iga caawin kara, marna kama fikirin in aan ka tago kooxda xagaagii laakiin ma garanayo waxa dhici doona suuqa January”ayuu Gvardiol yidhi.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan kooxda RB Leipzig u saxiixay heshiis ilaa xagaaga 2027 ah waxana aan doonayaa in aan wax badan la gaadho RB Leipzig,” Gvardiol ayaa hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*