Jose Mourinho Oo Weerar Ku Qaadaya Kooxdiisii Hore Ee Man United

Roma ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso inay heshiis amaah ah kula soo saxiixato daafaca Manchester United Alex Telles xagaagaan.

28 jirkaan ayaa Red Devils kaga soo biiray Porto heshiis afar sano ah bishii October ee la soo dhaafay, waxaana uu 24 kulan u saftay kooxda Ole Gunnar Solskjaer intii lagu jiray xilli ciyaareedkii hore.

Telles ayaa ka dambee Luke Shaw tatranka daafaca Bidix ee Man United waxana jira warar sheegaya in uu isaga tagi doono kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsia xagagan.

Sida uu sheegayo saxafiga Gianluca Di Marzio, Roma ayaa dooneysa inay amaah kula soo wareegto xiddiga reer Brazil si ay ugu buuxiso booska Leonardo Spinazzola, kaasoo dhaawac halis ah uu ka soo gaaray intii lagu jiray Euro 2020.

Di Marzio ayaa sheegay in ayna Man United doonayn in ay qaab amaah ah ku fasaxdo Telles laakiin Roma ayaa ku cadaadin doonta in ay xiddiga ka hesho suuqa xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*