Jose Mourinho Oo Si Maldahan Ugu Digtay Bruno Fernandes.

Tababaraha Kooxda Tottenham ee Jose Mourinho ayaa u muuqda mid aan taageero u ahayn xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Bruno Fernandes.

Xiddiga Man United ayaa dhaliyay 8 gool iyo 7 caawin waxana uu kooxda Ole Gunnar Solskjaer ku hogaamiyay u soo bixista champions League.

Tababarihii hore ee kooxaha Man United iyo Chelsea ayaa ku digtay xiddiga ay isku dalka yihiin isaga oo kaga maadsaday awoodiisa laadka 12 yards.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa 4 gool ka dhaliyay booskaas isaga oo sidoo kale dhaleecayn kala kulma taageerayaasha kuwaas oo ku eedeeya in uu iska laado kubada waliba khasaariyo kubada.

Wareysi uu la yeeshay Record, Mourinho ayaa yiri: “Bruno waxa uu yimid United waxana uu ahaa mid taam ah waxana uu u ciyaaray si fiican”.

“Waxa uu horumariyay kooxda Man United, sidoo kale waxa uu muujiyay in uu ku fiicanyahay rikoodhada, waana mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka dhanka rikoodhada sababta oo ah waxa uu ku dhawyahay in uu 20 rikoodho dhaliyay”.

Sii Akhriso: WARBIXIN: 5 Qof Oo Ugu Cad-cad In Ay Noqdaan Ra’iisal Wasaaraha Cusub Ee Somaliya.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*