Jose Mourinho Oo Man United Ku Cidhiidhinaya Xiddig Uu Doonayay Markii Uu Tababaraha Ka Ahaa Old Trafford.

Tababaraha Kooxda Tottenham ee Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa in uu kooxdiisa u sheegay in ay Man United ku garaacaan saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Inter Milan ee Diego Godin sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 34 jirka ah aya ku biiray kooxda Inter Milan xagaagii kadib 9 sano oo uu joogay Atletico Madrid laakiin waxa uu ku fashilmay in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo.

Godin ayaa iska diiday Man United markii uu Jose Mourinho tababaraha u ahaa 2 sano ka hor laakiin wargayska Mirror ayaa sheegaya in uu Mourinho haatan doonayo in uu xiddiga keeno Tottenham si uu ugu xoojiyo daafaciisa xilli ciyaareedka dambe.

Shakiga ku jira mustaqbalka daafaca Jan Vertonghen ayaa keenaysa in uu Jose Mourinho raadiyo daafac cusub oo uu ku dhiso kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Man United dib u soo cusboonaysiinayso xiisaha ay u qabto daafaca xilli uu Ole Gunnar Solskjaer doonayo in uu ka garab ciyaarsiiyo Harry Maguire.

Advertisements

Laakiin Jose Mourinho ayaa doonaya in uuna daafaca khabiirka ah mar kale ka baxsan farixiisa waxana uu diyaar u yahay in uu ku qanciyo in uu yimaado kooxda reer London.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*