Jose Mourinho Oo Magacaabay Xul Aan Ku Guulaysan Doonin Euro 2024.

Tababare Jose Mourinho ayaa magacaabay Hal xul oo aan ku guulaysan doonin tartanka Euro 2024.

Tartanka Euro 2024 ayaa bilaaban doona jimcaha dambe iyada xulal badan ku tartami doonaan tartanka.

Xulka Italy ayaa difaacan doona tartanka kadib markii ay ku guulaysteen tartanka Sanadkii ugu dambeeyay la qabto tartanka.

Inkasta oo uu difaacanayo koobka hadana Jose Moruinho ayaa sheegay in uuna xulka Italy ku guulaysan doonin tartanka sanadkan.

Mourinho oo ka hadlaya fursadaha xulka qaranka Italy ee tartanka Euro 2024 ayuu yidhi”Xulka Italy kuma guulaysan doono tartanka Euro 2024″

“Ma ahan xul leh tayo, mana lahan awood ay ugu guulaysan karaan tartanka Sanadkan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga