Jose Mourinho Oo Magacaabay Shaxda Ugu Fiican Ee Xulka Qaranka England Ku Ciyaari Karo tartanka Euro 2020.

Tababaraha cusub ee kooxda Roma Jose Mourinho oo sideena ka mid ah daawadayaasha tartanka Euro 2020 ayaa magacaabay shaxda ugu fiican ee uu xulka qaranka England kaga qayb qaadan karo tartanka Euro 2020.

Mourinho ayaa sameeyay go’aano muran badan dhaliyay isaga oo shaxdiisa u dortay xiddigo aan la filayn in ay u ciyaaraan marka loo eego xiddigaha la filayo in ay ku bilowdaan shaxda.

Tababaraha reer Portugal ayaa xiddigaha Phillipes iyo Rice u doortay khadka dhexe ee daafaca isaga oo hor dhiga xiddiga Mount kaas oo wacdaro dhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Sidoo kale Goolhaye Henderson ayuu u doortay in uu noqdo dokha 1-aad taas oo sidoo kale muran badan ka dhalisay marka loo eego in uuna Goolhayaha Man United ahayn dookha 1-aad ee tababaraha xulka.

Jose Mourinho names England XI he'd play at Euro 2020 with some  controversial calls - Irish Mirror Online

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*