Jose Mourinho Oo Magacaabay 3 Xul Oo Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Euro 2024.

Jose Mourinho ayaa xulalka England, Portugal iyo France u doortay saddexda xul ee ugu cadcad hanashada Euro 2024.

Kadib markii ay guuldaro kala kulmeen Italy finalkii Euro 2020, England ayaa isha ku haysa in ay talaabo hore u qaado isla markaas raadinaya koobkoodii ugu horeeyay ee Euro.

Xulka qaranka England ayaa la Group ah Slovenia, Denmark iyo Serbia waxana uu tartankoodu bilaabmayaa 16ka June.

Dhanka kale, France ayaa dooneysa inay mar kale ku tartanto euro-da kadib markii ay gaadhay final-ka tartankii koobka adduunka waxana ay La Group yihiin xulalka Poland, Netherlands iyo Austria.

Xulka Portugal ayaa dhinaciisa la filayaa in uu tartan fiican ciyaaro kadib markii uu wacdaro dhigay is reeb-reebkii waxana ay la Group yihiin Turkey, Georgia & Czech Republic.

“La yaab ayaa dhici kara, haa. Laakiin marka la eego tayada iyo tirada ciyaartoyda, waxaan qabaa in Portugal ku guulaysan karo tartanka”

“Aniga ahaan, waa mid ka mid ah saddexda xul ee ugu xooggan – Portugal, France iyo England”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga