Jose Mourinho Oo Liverpool Ka Caawin Kara Saxiixa Xiddig Khadka Dhexe Ku Fiican, Qaab Noocee Ah.

Imaatinka Jose Mourinho ee Roma ayaa lagu soo waramayaa inuu sabab u noqon karo ka tagista xiddiga  Lorenzo Pellegrini marka la gaadho suuqa kaal iibsiga xagaaga.

Xiddiga 24 jirka ah ayuu heshiiskiisa haatan dhici doona sanadka dambe waxana uu shaki weyn ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda bilihii uu dambeeyay.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in uu Mourinho doonayo in uu isku shaandhayn ku sameeyo khadka dhexe ee kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe waxana uu diyaar u yahay in uu iska iibiyo xiddiga Lorenzo Pellegrini.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga Lorenzo Pellegrini yahay xiddig bartilmaameed dheer u aha akooxda Liverpool waxana ay haatan haystaan fursad ay ku heli karaan xiddiga reer Italy dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Lorenzo Pellegrini ayaa dhaliyay 5 gool sidoo kale caawiye ka noqday 6 kale 31 kulan oo horyaalka Serie A-da ah xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*